Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadaha.

Digreeto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo lagu magcaabay Xeer Madaxweyne Lr-121 October, 15, 2017 Agaasimaha Guud Ee Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadaha Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Markuu arkay:                      Dastuurka dawladda Puntland.

Markuu arkay:                      Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo aragnimadiisa shaqo.

Wuxuu Xeeriyey:

  1. Waxaa Maxamed Cabdi Faarax (Qambi) loo magcaabay Agaasimaha Guud Ee Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadaha Dawladda Puntland.

 

  1. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu.

 

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.