Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Agaasimayaal Guud.

Dikreeto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Xeer Lr-105 October 03 2017,ayaa lagu magacaabay Agaasimeyaasha guud ee Wasaaradaha Arrimaha Gudaha,Dawladdaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga iyo Wasaaradda Shaqada,Shaqaalaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha.

Madaxweynaha Dawladda Puntland:
Markuu arkay:- Dastuurka Dawladda Puntland
Markuu arkay:- Aqoontooda,Kartidooda iyo Waayo’aragnimadooda shaqo.

Wuxuu Xeeriyey:

  1. Waxaa Maxamed Cali Nuur (Juba) loo magcaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dawladdaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga.
  2. Waxaa Cabdicasiis Nuur Cilmi Koor loo magacaabay Agaasimaha guud Shaqada iyo Shaqaalaha ee Wasaaradda Shaqada,Shaqaalaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha.

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu Saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu.