Digreeto kasoo baxday maanta xafiiska Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xeer Madaxweyne Lr.111 September 24 2017, lagu magcaabay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Xidhiidhka Jaaliyaddaha Puntland.
Madaxweynaha Dawladda Puntland:
Markuu Arkay: Dastuurka Dawladda Puntland.
Markuu Arkay: Baahida loo qabo in la magcaabo Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Xidhiidhka Jaaliyaddaha Puntland.
Markuu Tixgeliyey: Kartidiisa iyo waaya aragnimadiisa shawo.
Wuxuu Xeeriyey:
- Waxaa Xabiib Abshir Faarax loo Magcaabay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Xidhiidhka Jaaliyaddaha Puntland.
- Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu.
=DHAMMAAD=
XAFIISKA, WARFAAFINTAKA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.