6 Shaqaale gar gaar oo lagu afduubtay gobolka Baay

Sida ay noo xaqiijiyeen Saraakiisha amaanka gobolka Baay , waxaa Tuullada Garas Mooshin oo ka tirsan gobolkaas lagu afduubtay 6 shaqale gar gaar , kuwaas oo deegaanka ka waday gar gaar iyo Samo fal.

Kooxda afduubka gaysatay ayey ku sheegeen Al-shabaab, waxayna shaqaaluhu ahaayeen Soomaali , waxay u shaqaynayeen NGO maxali ah oo lagu magacaabo GREDO .

NGO , GREDO kama hadlin shaqaalaha laga afduubtay, balse saraakiisha amaaka oo arrintan xaqiiyey ayaa sheegay inay hadda wadaan howlgalo lagu raadinayo meesha shaqaalaha la la aaday.

Maaha shaqaalihii ugu horeeyey oo laga afduubto NGO ,GREDO 7 bsihii Julay ee sanadkan ayaa shaqaale looga afduubtay deegaan u dhaxeeye Buur Xakaba iyo Baydhabo, waxaana marki dambe lagu soo daayey lacag madax furasho ah.

Deeegaanka Garas Mooshin ayaa ku yaal duleedka magaalada Baydhabo ee xarunka KMG ah maamulka Koonfur galbeed 20KM ayey u jirta waxayna kaga beegan tahay dhanka Koonfureed.

PUNTLAND POST