Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa saakay weerar ku bilowday qaraxyo waxa ay ku qaadeen Saldhig ay Ciidamada Dowladda Soomaliya ku lahaayeen degmada Balad-Xaawo ee Goboka Gedo.
Weerarkan oo ahaa mid qorshaysan ayaa ku bilowday isqarxin lagu qaaday bartanka xerada ay ku sugnaayeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya, ka dibna waxaa xigay weerar xoog leh oo lagu lagu galay xiradda la qarxiyay.
Al-shaabab waxa ay sheegeen in Ciidamadooda dhowr jiho ka weerareen xerada, islamarkaana halkaas lagu laayay Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaliya.
Ilaa haatan si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka saakay Al-shabaab ay ku qaadeen degmada Balad-Xaawo ee Gobolka Gedo.
Todobaadkii la soo dhaafay, Waxay Al-shabaab weerar ku qadeen saldhig Ciidamada Maamulka jubba-land ay ku lahaayeen deegaanka Buula-Gaduud ee duleedka magaalada Kismaayo, Iyagoo halkaas ku dilay in ka badan 35 ka mid ah Ciidamada Dowladda Soomaliya iyo kuwa Maamulka Jubbaland.
PUNTLAND POST