Shir looga arrinsanayo dejinta dhowr siyaasadood oo lagu hagi doono shaqaalaha Puntland oo Garoowe ka socda

Shir wadatashi ah oo muddo Afar maalmood ah ka socon doona Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha dawladda Puntland loogana wada tashanayo dejinta dhowr siyaasadood oo lagu hagi doono shaqaalaha rayidka ah ee dawladda Puntland.

Siyaasadahaan laga arrinsanayo ayaa waxay kala ahaayeen; Siyaasadda haynta iyo xafididda shaqaalaha rayidka ah ee dawladda Staff Retention Policy, Siyaasadda Hawl-gab ka Pension Policy, Siyaasadda kobcinta iyo horumarinta shaqaalaha Career Development Policy,Siyaasadda Hab-dhaqanka Shaqaalaha rayidka ah Civil Service Code of Conduct iyo Siyaasadda ku haboonaanshaha Shaqada Competency Framework Policy.

Shirka ayaa waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin ka kala socota dhammaan xarumaha kala duwan ee dawladda oo uu kamid yahay Wasiirka Shaqada iyo shaqaalaha, La-taliyeyaal ahna Xeeldheereyaal, Agaasimeyaal iyo Madax-qaybeedyo, dadkaan oo dhammaantood wakiillo ka ahaa xarumaha kala duwan ee dawladda Puntland iyo sidoo kale khuburo ka socotey Bangiga Adduunka oo barnaamijkaan dawladda ka taageereya .

Ujeeda nuxurka shirku waxa uu ahaa Talo soo jeedin, wax ku-darid, wax ka saarid iyo dhammaystirka dejinta siyaasado wax-ku ool ah oo lagu hago shaqaalaha rayidka ah ee dawladda, kuwaas oo u cuntami kara shaqaalaha dawladda Puntland.

Sidoo kale waxyaabaha looga tashano shirkaan waxaa kamid ah sidii loo hirgelin lahaa siyaasadahaan oo ay u nqon lahaayeen kuwo miro-dhal  noqda loogana faa’iideyo guud ahaan dadka iyo dawladda Puntland.

Markii lasoo dhammeeyo siyaasadahaan ayaa waxa la hor-geyn doonaa golaha fulinta ee Puntland si loo ansixiyo talo soo jeedintoodana loogu daro isla markaan  waxaa la horgeyn doonaa golaha Wakiillada si loo ansixiyo iyadoo siyaadahaan qayb too oo ay ka mid tahay siyaasadda hawl-gabka shaqaalaha rayidka  ah Pension Policy loogu beddeli doono Xeer, kaddibna loogu sameeyo faaf-reeb rasmiya.

—Dhammaad—