Kulan looga arrinsanayey dib u casriyaynta qaybo ka mid ah hay’adaha dawladda oo Garoowe kusoo Xirmay

Kulan wada tashi ah oo muddo saddex maalmood ah ka socdey magaalada Garoowe ayaa la soo gebagebeeyey waxaana uu kulankaasi u dhexeeyey dawladda Puntland iyo Mashruuca tayaynta iyo shaqaalaysiinta Puntland ee uu bangiga adduunku ka caawinayo dawladda.

Kulankaan oo looga arrinsanayey sidii dib uhabayn iyo dib u qaabayn loogu samayn lahaa 11 hay’adood oo kamid ah dawadda Puntland ayaaa kusoo dhammaaday is afgarad iyadoo laysla qaatay sidii dib u habayn iyo dib u casriyayn loogu samayn lahaa xarumahaasi.

Ujeedada ka dambaysa barnaamijka iyo dib u casriyaynta loogu samaynayo hay’adahaan  dawladda ah sidii loo dardargelin lahaa shaqooyinka dawladda isla markaana ay hay’adaha halbowlaha u ah dawadda u noqon lahaayeen kuwo la tartama dhiggooda adduunka.

Dawladda Puntland ayaa dedaal xoogle u gashay sidii loo tayayn lahaa shaqaalaha dawladda ka gadaal markii uu madaxweynuhu hore u ballanqaaday in uu dib u habayn rasmi ah kusamayn doono shaqaalaha dawladda, taas oo noqotay mid miro dhashay.

Mashruuca tayaynta shaqaalaha tayaynta shaqaalaha dawladda ee CIP ayaa qayb lixaadle ka qaatay barnaamijyada tayaynta shaqaalaha iyo dib u casriyaynta hay’adaha dawladda waxaanay arrintaasi noqotay mid si weyn looga dareemay guud ahaan Puntland.