Madaxtooyada Garoowe oo maanta lagu dhaariyey Wasiir Iyo Wasiir Ku-xigeen

Waxaa maanta oo ay tariikhdu tahay 10 August 2017 qasriga Madaxtooyada Garoowe ee caasimadda Puntland lagu dhaariyey Wasiirka Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Fadaraalka Cabdifaatax Saciid Caynab iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Faa’iso Cali Ismaaciil oo kamida labadooduba Golaha Wasiirada cusub ee Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas magcaabay 06 August 2017 lana shaaciyey magcaabista digreetada Madaxweynaha 07 August 2017.

Munaasibadda dhaarta labadani masuul ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, xubin ka tirsan Maxkamadda Sare ee Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhaarta kadib kula  dardaarmay labadani Masuul inay garawsadaan in xilkan ay u qabteen dalkooda iyo dadkoodaba  uu yahay mid u baahan xilkasni, geesinimo, dedaal dheeradda, daacadnimo, hal-abuur shaqo iyo waddaninimo.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ku booriyey Wasiirka iyo Wasiir Ku-xigeenka inay ka foojig-naadaan, fiiro gaarana u lahaadaan wax kasta oo gaabis shaqo ku keenaya hawlahooda shaqo, waxaana uu Madaxweynuhu xasuusiyey in Puntland maanta ka socdo horumar balaadhan oo dulucdiisu tahay dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha Puntland.

Ugu Danbayntii, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Alle ‘’SWC’’ uga baryey  labadani masuuli inuu u fududeeyo hawlahooda shaqo ee ay u qaban doonaan dadkooda iyo dalkooda, isla markaana Alle ku asturo masuuliyadda weyn ee loo igmaday.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.