Madaxtooyada Garoowe oo lagu dhaariyey Laba Wasiir iyo  Hal Wasiir Ku-xigeen

Waxaa Madaxtooyada Garoowe ee caasimadda Puntland maanta 09 August 2017 lagu dhaariyey laba Wasiir iyo hal Wasiir ku-xigeen oo kamida golaha Wasiirada cusub ee Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Magcaabay, Waxaana ay kala yihiin Wasiiradaasi la dhaariyey.

  1. Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garomada Puntland.
  2. Cabdinuur Cilmi Maxamuud ( Biindhe) Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.
  3. Saciid Faarax Maxamuud Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta iyo Xidhiidhka Caalamiga ah.

Munaasibadda dhaarinta  ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, xubin ka tirsan Maxkamadda Sare ee Puntland iyo saraakii ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhaarta ka dib kula dardaarmay masuuliyiintani inay shaqadan loo igmaday uga soo dhalaalaan si Masuuliyaddi ku jirto, isla markaana si daacadnimo ah ugu adeegaan Dadkooda iyo Dalkoodaba.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ku booriyey masuuliyiintani inay markasta ka fogaadaan kana dheeraadaan wax kasta oo shaqadooda xumaynaya, isla markaana ay  xilkasnimo iyo daacadnimo ugu adeegaan shacabkooda.

Ugu Danbayntii, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Illahay ‘’SWC” uga baryey masuuliyiintani inuu u fududeeyo xilalkaasi ay u qabteen dadkooda iyo dalkoodaba, isla markaana Alle ku asturo kuna guuleeyo hawlaha shaqo ee xafiisyadooda looga fadhiyo inay qabtaan.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.