Gudoomiye Jawaari oo Hambalyo u diray Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa Hambalyo u diray Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Somaliland Baashe Maxamed Faarax.

Gudoomiye Jawaari ayaa sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya uu ugu hambalyeeynayo Baashe Maxamed Faarax Doorashadii uu ku guuleeystay Maanta oo Axad ah.

Waxa uu sheegay Jawaari in uu rajeeynayo in Baashe uu la yimaado waxqabad wanaagsan oo lagu qanco islamarkaasina uu ku guuleeysto xilkaasi loo doortay.

Maamulka Somaliland ayaa sheegta in ay ka madaxbanaanyihiin Soomaaliya inteeda kale inkastoo aanay helin aqoonsi rasmi ah.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho