Madaxweynaha Puntland iyo Wefti uu hogaaminayo oo u Ambabaxay Muqdisho

Maxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo  ayaa maanta 04 July 2017 safar shaqo ugu ambabaxay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo ka dhoofay  garoonka diyaaradaha Kanooko ee magaalada Garoowe ayaa waxaa kasii sagootiyey halkaasi, madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Egn. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey, Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane. Axmed Cali Xaashi, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Puntland oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in isaga iyo weftigiisu muqdisho uga qayb gelidoonaan shir socondoona muddo laba maalmooda, kaasi oo lagaga hadlaayo arrimo la xidhiidha amaanka dalka iyo siyaasadda.

” Maanta waxaan u dhoofeynaa aniga iyo weftigaygu magaalada Muqdisho oo aan muddo laba cisho ah uga qayb gelidoono shir, shirkaasi ayaa waxaa looga hadli-doonaa arrimo ay ka mid yihiin amaanka iyo siyaasadda dalka,  waxaana kasoo qayb gelidoona DFS iyo madaxdda dawladdaha xunaha ka ah DFS”. ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dardaarmay shacabka Puntland  iyo shaqaalaha Dawladdaba inay ilaashadaan nabada, xasiloonida iyo kala danbaynta ay ku naaloonayaan, waxaana uu Alle ka rajeeyey Madaxweynuhu inuu safarkiisu kusoo dhamaado guul, isla markaana uu soo laabto dalkoo nabada.

–DHAMMAAD–                                                                                            

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADDA DAWLADDA PUNTLAND.