Guddiga Tiro koobka shaqaalaha rayidk ah ee Puntland gaarey gobolka Nugaal

Guddiga Tiro koobka shaqaalaha Rayidka ah ee dawladda Puntland ayaa waxa ay soo gaareen Magaala Madaxda Puntland ee Garoowe si’ ay u tiro koobaan shaqaalaha rayidka ah ee dawladda Puntland ee ka hawl-gala gobolka Nugaal.

Guddiga ayaa maanta tiro koobkooda ku bilaabay shaqaalaha Madaxtooyada iyo Wasaaradda Hawlaha guud iyo gaadiika isla markaana waxa ay kusii xejin doonaan shaqaalaha xarumaha kale ee dawladda si loo xaqiijiyo shaqaalaha rasmiga ah ee dawladda Puntland.

Barnaamijkaan ayaa looga gol-leeyahay sidii loogu samayn lahaa shaqaalaha dawladda tiro koob rasmi ah isla markaana uu qofka shaqaalaha dawladda ahi u heli lahaa xuquuqdiisa shaqaalenimo si’ay ugu fududaato gudashada waajibaadkiisa dawliga ah.

Muddadii uu socdey barnaamijkaan tiro koobka shaqaalaha rayidka ah ee dawladda ayaa waxaa lagu ogaadey caqabado badan oo haystey shaqaalaha dawladda iyo tiro badan oo shaqaale ah oo aan munaasib ahayn isla markaana si kor loogu qaado tayada iyo xuquuqda shaqalaaha waxa la geliyey diiwaanka dawladda cidda saxda ah ee joogta booska ama jagada  saxda ah.

Dawladda Puntland ayaa il-gaar ah ku eegeysa barnaamikaan maadaama uu muhiimad gaar ah u leeyahay dawladda iyo guud ahaan shacabka Puntland waxaana la rajeynayaa in guulaha laga gaarey barnaamijkaan in shacabka loosoo bandhigi doono marka la soo af-meero gobolka ugu dambeeya.

—Dhammaad—