Guddiga Tiro koobka shaqaalaha rayidk ah ee Puntland oo gaarey gobollada Karkaar iyo Mudug

Guddiga Tayeynta & Tiro koobka Shaqaalaha dawladda Puntland ayaa waxa ay gaareen magaalooyinka Qardho iyo Gaalkacyo si’ay goobahaasi uga  bilaabaan tirokoobka shaqaalaha dawladda ee kusugan gobolladaasi Mudug iyo Karkaar.

Guddiga ayaa tiro koobka shaqaalaha waxay ay ku salaynayeen in xarun walba gaar loo diiwaan geliyo iyadoo la hubinayo dadka la diiwaan gelinayo in ay yihiin dadkii saxda ahaa ee ka shaqaynayey xarumaha ay sheeganayaan.

Masuuliyiinta dawladda ee gobolladaasi iyo guud ahaan shaqaalaha dawladda eek a hawl-gala gobolladaas ayaa si diirran u soo dhoweeyey guddiga tiro koobka shaqaalaha maadama ay barnaamijkaan u arkaan mid muhim gaar ah u leh shacabka Puntland.

Ujeedada barnaamijkaan tayaynta iyo tiro koobka shaqaalaha rayidka ah ee dawladda ayaa ah sidii loo xaqiijin lahaa tirada rasmiga ah ee shaqalaha dawladda isla markaana kor loogu qaadi lahaa tayadooda aqooneed, waxayna ka mid tahay arrintaani ballanqaadkii Madaxweynaha xilligii uu la wareega talada Puntland.

Guddiga ayaa tegi doona dhammaan gobollada Puntland si loo xaqiijiyo tirada saxda ah ee shaqaalaha dawladda, iyadoona loo diiwaan gelin doono shaqaalaha hab casri ah oo dadka laga qaadi doono sawir, suul iyo saxiix.

—DHAMMAAD—