Madaxweynaha Puntland oo ka qayb galay Shir Wadda-tashi ah oo ku saabsan nidaamka Xisbiyadda badan ee Puntland

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta magaalada Garoowe gaar ahaan xarunta PDRC kaga qayb galay shir wadda-tashi ah oo ku saabsan nidaamka xisbiyada badan ee Puntland.

Madaxweynaha ayaa waxaa shirkaasi ku wehelinayey guddomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane. Axmed Cali Xaashi, guddiga ku meel-gaadhka ah ee doorashooyinka Puntland, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, gudoomiyaha Maxkamada Sare, Madaxa xafiiska xaquuqul isnaanka Puntland, hay’adda daneeyayaasha aan dawlaga ahayn ee PUNSA iyo qaar kamid bulshada rayidka ah.

Madaxweynaha dawladda Puntland oo hadal ka jeediyey shirkaasi ayaa sheegay muhiimada shirkani loo qabtay ay tahay dood wadaag , wax is weyndiin iyo wax is weydaarsi,kaasi oo ah in Puntland ay ka guurto nidaamka qabaliga ah una guurto nimaad dimuquraadiyadeed oo lagu gaadhayo hal qof hal cod.

” Shirkani wuxuu ku saabsan yahay dood, wax is weydaarsi iyo wax is waydiin barnaamijka aan ku dhawaaqay oo ah in Puntland ay ka guurto nidaamka qabaliga ah runtii hagaasiyey, ragaadiyey dawladd nimadeeda iyo horumarkeeda una guurto nidaam dimuquraadiyadeeda oo dadka shacab ka ahi kalsooni ku qabaan, inay muwaadinimadooda iyo codkoodu ay wax ugu goyso dawladda nimadooda, dimuquraadiyada lafteedu maha wax dhamaystisan, waa in inta badan loo hogaansamo inta yarna xuquuqdooda la ilaaliyo, anagu waxaan rabnaa dimuquraadiyad wanaagsan oo ilaalinaysa diinteena islaamka kuna dhisan dhaqankeena” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa cadeeyey in xukuumada dawladda Puntland ay ka go’antahay hirgelinta iyo dhaqaajinta nidaamkani, isla markaana aanay dangaara ka lahayn, dan guud oo uwaada dana shacabka Puntland mooyaane , waxaana xusay in ay adagtahay marka aad u guurayso waxaadan aqoon hadaana ay lagama maarmaan tahay in lala qabsado madaama ay ka wanaagsan tahay wixii hore aad u taqaaney.

Guddomiyaha Baarlaanka Puntland Mudane. Axmed cali Xaashi ayaa dhankiisa sheegay in golaha wakiilada dawladda Puntland door wanaagsan ka qaatay dhisida guddi ka shaqaysa hirgelinta nidaamka xisbiyadda badan kuwaas oo hadda shaqeeya, waxaana u cadeeyey in Baarlaamka Puntland uu gutey waajibaad kiisii ku aadanaa dhamystirka shuruudaha nimaadka xisbiyada badan haddana ay isha ku hayaan dhaqdhaqaaq walba oo lagu horumarinaayo dimuquraadiyadda Puntland.

Madaxweynaha ayaa tibaaxay in dawladdu diyaar u tahay rabitaanka shacab keeda, isla mar’ahaantaana ay ku dhiqidoonto shacabkeeda waxa ay doonayaan inay hirgashadaan, waxaana uu ku amaanay guddiga doorashooyinka shaqadda wanaagsan ee ay u hayaan shacabkooda iskagoona ku booriyey inay shacabka ku jiheeyaan sidii ay u furan lahaayeen xibiyadda si uu u midhalo mawqifka laga midaysan yahay.

 

–DHAMMAAD–

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.