Daawo:- Madaxweyne Gaas oo baaq u diray DFS iyo Beesha Caalamka

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 09 June 2017 shir Jaraa’iid oo uu ku qabtay qasriga Madaxtooyada Garoowe waxaa uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah argagixisada Al-shabaab, kaas oo lagaga safaynayo Dhammaan Degaanada Puntland.

Madaxweynaha ayaa ugu horayn tacsi u diray eheladii, qaraabadii, iyo qaran kii ay ka baxeen dhamaan intii ku nafweydey dagaalkii shalay   ay ciidamada Puntland la galeen argagixisada Al-shabaab, kaas oo ka dhacay degaanka Af-urur ee gobolka Hayland , waxaana uu madaxweynuhu ku bogaadiyey ciidamada Puntland sida geesinimada leh ee ay isaga difaaceen burcad dimeedkaasi Al-shabaab.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA SHIRKA JARAA’ID EE MADAXWEYNE GAAS.

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.