Military-ga dalka Mareykanka ayaa sheegay in ay ku guulaysteen tijaabinta Gantaal hawada ka qaban kara gantaalada qaaradaha isaga goosha ee ay dhici karto in dalkaas la la soo beegsado.
Waa tii ugu hireysay tijaabadani waxayna jawaab u tahay khatar isa soo tareysa ee ka imanaysa xukuumadda Pyongyang.
Gantaalkan ah nooca hawada ka qabta gantaalada ayaa lagu riday saldhig ciidamada cirka ee Mareyka ku leeyihiin Gobolka California, wuxuuna ka hortagay oo uu soo riday Gantaal aan hub ku xirnayn oo dulmarayeey badda Pacific-ga oo ay ciidamadu ku rideen Jasiiradaha Mardhalls.
Xukuumadda Pyongyang ayaa todobaadkan horaantiisii tijaabisay Gantaalkii Sagaalaad oo nooca ridda dheer ah oo ay rido sanadkan gudihiisa.
Military-ga Mareykanka ayaa tijaabadan ay sameeyeen ku tilmaamay talaalo muhim ah oo horey loo qaaday.
PUNTLAND POST