Madaxweynaha Puntland oo safar ugu Ambabaxay Magaalada Cadaado

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa safar ugu ambabaxay magaalada Cadaado ee caasimada kumeel gaadhka ah ee maamul goboleedka Galmudug, say uga qayb galaan caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Maamulkaasi mudane. Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kanooko ee Magaalada Garoowe kusii Sagootiyey Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland Egn. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey, Masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland iyo saraakiil katirsan Madaxtooyada dawladda Puntland.

Madaxweynaha oo ka hadlay muhiimada safarkiisa ayaa sheegay in uu daaran yahay ka qayb galka xaflada caleema saarka Madaxweynaha Cusub ee maamul goboleedka Galmudug, waxaana uu yimi safarkani casuumad rasmi ah oo ay Dawladda Puntland ka heshay maamul goboleedka Galmudug.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa tibaaxay in Dawladda Puntland iyo shacabkeeda ay muhiimad gaara u leedahay ka qayb galka xaflada caleemasaarka Madaxweynaha cusub ee Galmudug, waxaana uu ugu hanbalyeeyey shacabka maamulkaasi nabada iyo xasiloonada ay sida wadda jirka ah garbaha u hayaan.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka Puntland kubooriyey inay ilaashadaan nabada iyo kala danbaynta ay Puntland ku caana maashay taas oo ay hormuud ugu yihiin Soomaaliya inteeda kale.

–DHAMMAAD—

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.