Garowe: Eng. Camey oo ka gudoomey Xubno ka tirsan Guddiga Abaaraha DFS lacag dhan $200,000

Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Egn. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey oo maanta 26 May 2017 qado sharaf ugu sameeyey magaalada Garoowe gaar haan hotel Jubba Afar xubnood oo ka tirsan guddiga gurmadka abaaraha dawladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa kaga gudoomey guddigaasi lacag dhan $200,000, taas oo loogu tala galay in lagu taakuleeyo shacabka wax yeeladu ka soo gaadhey abaartii darnayd ee ka jirtey dhammaan giyiga Soomaaliya.

Kulankan qado sharafta ah ayaa waxaa madaxweynaha kuwehelinaayey masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland xubno ka tirsan guddiga abaaraha Puntland oo uu gudoomiye ka yahay Madaxweyne kuxigeenka,iyo masuuliyiin katirsan Madaxtooyada dawladda Puntlland.

Kusimaha Madaxweynaha ahna guddoomiyaha gudiga abaaraha Puntland ayaa ugu horayn masuuliyiinta ka tirsan guddiga gurmadka abaaraha Dawladda Fadaraalka Soomaaliya kusoo dhoweeyey Puntland waxaana uu si rasmi ah uga gudoomey lacag dhan $200,000 oo dollarka maraykanka ah, waxaana uu sheegay in Puntland iminka ku hawlan tahay sidii ay dib ugu soo celin lahaayeen degaanadoodii dadka reer guuraaga ah ee kusoo hayaamay degaanada Puntland xiligii abaarta, lacagtan qayb kamid ahina ay ku baxayso iyaga sidii loogu rumayn lahaa riyadooda  ah in dib looguryo celiyo.

‘’ Abaartii dhacday hadda ‘’Mideeya’’ ayay hayd ama ‘’sima’’ maalintii dhoweyd ee aan Qardho ka daahfuray dib u soo celinta dadka reer guuraaga ah waxaanu isugu nimi Galmudug, Soomaaliland, Dawladda degaanka Soomalida Ethiopia, iyo goboladda dhexe oo intuba doonaya in ay dib ugu noqdaan degaanadoodii, in ka badan 649 qoys ayaa lasoo raray, waxaa ka qayb galay 180 gaadhi oo cago badan u badan, ummada Soomaliyeedna waa ka mahad naqday arrinkaasi waana siiwadaynaa, waxaan hubaa in lacagtan qayb kamida ugu yaraan $20,000 ay ku baxayso shidaal waayo culayska naga haysta soo rarida dadkaasi ayaa sidaasi ah, $180,000 kuna wuxuu kubixi donaa quudin’’ ayuu yiri madaxweyne kuxigeenka dawladda Puntland.

Batuulo Gabale oo ah hurmuudka xubnahan guddiga baaraha Dawladda Fadaraalka Soomaaliya ee  Soo gaadhay Puntland ayaa sheegtay in guddiga qaranka iyo dawladda Fadaraalka Soomaaliya ay ogsoon yihiin culayska saaran Puntland madaama ay tahay meesha keliya ee ay isugu yimaadeen ummaad Soomaliyeed, waxaana ay sheegtay in lacagtani ay katimid shacab Soomaliyeed oo gartay inay ka qayb qaataan gurmadka loo fidinaayo dadka walaalahooda ah ee abaartu wax yeelaysa,y isla markaana ay guddiga abaaraha DFS  si siman u qaybiyeen.

–DHAMMAAD—

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADDA DAWLADDA PUNTLAND.