Hailemariam Desalegn” Dowlada Soomaaliya ma u gacan Dhaafi Doono Siyaasada Soomaaliya”

Ra’iisalwasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa sheegay in waligood aysan gacan dhaafin dowladda Federaalka Soomaliya, waxa uuna intaasi ku daray in markastaa oo ay doonayaan in ay la macaamilaan maamul goboleedyada ay ruqsad ka qaadan jireen dowladda Federaalka.

Waxa uu sheegay Ra’iisalwasaaraha Itoobiya Hailemariam Desaleng  in isagu laf ahaantiisa uusan u dul qaadan karin in loo gacan dhaafo maamullada dalkiisa, oo iyaga si toos ah loola macaamilo.

”Iyadoo aan oggolaansho ka helin dowladda federaalka ee Soomaaliya, Itoobiya iyo waddan kale toona ma ahan inay farageliyaan madaxbannaanida iyo qarannimada Soomaaliya. Waxaan filayaa inay arrintani caddahay. Anigu qof ahaan ma aqbali karo in waddanna uu si toos ah u soo fara geliyo arrimaha dalkeyga isagoo aan oggolaansho iga haysan, Soomaaliyana waa sidaas oo kale,” ayuu yiri ra’iisalw asaraaha Itoobiya.

Hadalka kasoo baxay Ra’iisalwasaaraha Itoobiya Hailemariam Desaleng ayaa meesha ka saaray Tuhunkii ku aadanaa in Dowladda Itoobiya ay faragalin ay ku hayso Madaxbaanimaddaa Soomaliya.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

puntland Post