Ilo Xog-ogaal ah ayaa Puntland Post u sheegay in Dowlada Soomaaliya ay ka hor timid codsi uga yimid dowlada Masar oo ahaa in ay fariisin Ciidan ka sameeysato Wadanka Soomaaliya.
Warka ayaa waxa uu intaasi ku darayaa in dowlada Soomaaliya ay si cad u sheegtay in aanay aqbaleeynin in Dowlada Masar ay Fariisin ka sameeysato Soomaaliya.
Intaasi ka dib ayaa dowlada wadanka Masar waxa ay heshiis la gashay Dowlada Wadanka Eretria waxaana ay lagashay heshiis ku aadan in Saldhig ay ka sameeysto dalkeeda.
Ciidamo gaaraya 30-kun oo askari oo ka socdo dowlada Masar ayaa dhowaan fariisin Ciidan ka sameeysan doono Magaalada Asmara.
Arintaasi ayaa waxaa ay ka dhalan kartaa xiisado colaadeed oo dhexmara markale Ethiopia iyo Eretria oo daris ah islamarkaasina dagaalo culus uu dhexmaray.
Qaar kamid ah wadamada Carabta ayaa dadaal ku bixinaya sidii ay fariisimo ciidan uga sameeysan lahaayeen qaar kamid ah wadamada Afrika.
Xogtaan Waa Mid khaas u ah Puntland Post.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post