Guddiga Tirokoobka shaqaalaha Puntland oo Bosaso ka bilaabay tiro koobka shaqaalaha

Kaddish markii dhowaan la daah furay barnaamijka tayaynta shaqaalaha dawladda rayidka ah ee dawladda Puntland ayaa  guddiga Tayeynta & Tiro koobka Shaqaalaha dawladda Puntland waxa ay gaareen magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka bari si u bilaabaan tirokoobka shaqaalaha dawladda ee kusugan magaaladaasi.

Guddiga ayaa maanta tiro koob kooda rasmiga ah ka bilaabay  Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee dawladda Puntland, waxayna Xaafiis kasta oo ay booqdeen ay ku arkayeen shaqada oo socota iyo Shaqaalaha oo la diwaangaliyey.

Ujeedada barnaamijkaan tayaynta iyo tiro koobka shaqaalaha rayidka ah ee dawladda ayaa ah sidii loo xaqiijin lahaa tirada rasmiga ah ee shaqalaha dawladda isla markaana kor loogu qaadi lahaa tayadooda aqooneed, waxayna ka mid tahay arrintaani ballanqaadkii Madaxweynaha xilligii uu la wareega talada Puntland.

Guddiga ayaa maalmaha nagu soo aadan kusugnaan doono gobalka Barri, waxayna ogaan doonaan tiradda rasmiga ah ee Shaqaalaha dawladda oo ay tiring doonaan, waxayna maanta tiriyeen Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Dekedda.