Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ka Xaaraan tinimeeyey Gudaha Puntland Urrurka AL-Saadicuun

Madaxweyne kuxigeenka Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa maanta 27 April 2017 shir jaraa’id uu ku qabtay qasriga madaxtooyada magaalada Garoowe waxa uu kaga hadlay urrurka lunsan ee ku dhuumanaya diinteena suuban ee Islaamka AL-Saadicuuna Bilxaq, kuwaas oo hore looga mamnuucay inay sii joogaan gudaha degaanada Puntland.

Shirkani Jaraa’id ayaa waxa Madaxweynaha ku wehelinaayey Masuuliyiin katirsan goloha xukuumada dawladda Puntland, Taliyaha Ciidamadda Puntland iyo masuuliyiin ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland.

Kusimaha Madaxweynaha ayaa sheegay in Dawladda Puntland ay hore amar cad oo ku aadan urrurka Al-Saadicuuna Bilxaq u soo saartay,  isla markaana ay sheegtay in uu mabnuuc ka yahay ururkaasi lunsan gudaha Puntland uguna degtey ummada Soomaaliyed, maantana ay mawqifkaasi ku taagan tahay.

‘’ Waxaan ummadda Soomaaliyeed u sheegayaa meelkastay joogaan iyo maamuladaba mawqifka Puntland iyadaa ugu horeysey inay Toosh ku ifiso, kahadasho si qeexan war uga soo saarto urrurka lunsan ee AL- Saadicuuna Bilxaq, waxaana u cadaynaynaa ummadda Soomaliyeed una sheegaynaa urrurkaasi inuu xaaraan yahay, Puntland xaraan kahay, arlo Soomaaliyeed-na xaaraan kayahay wax alaale iyo wixii waajibaada oo laga qaadan karayona laga qaato, culumadu doorkooda waa qateen dawladduna doorkoodu waa qadanayaan, hadii shaki jirey oo qalad ka dhacay masuuliyiin ka tisan dawladda waa saxnay siyaasada iyo mawqifka dawladduna waa cadyahay’’ ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland.

Madaxweyne Kuxigeenka Dawladda Puntland ayaa sidoo kale ka hadlay abaarta baaxadale ee kajirta Puntland, waxaana uu sheegay inay ka da’day raxmada Eebbe degaano badan oo Puntland ah.

‘’Marwalba waa niraahnaa abaaruhu maalinba maalinta ka danbaysa waa ka sii xumaanayaan lakiin Ilaahay waxaan uga mahad celinaynaa raxmadiisa roobku shalay wuu curtay dhulalbadana waa uu ka da’ay haku yaraado ama haku badnaadee taasina waa mahad Alle waana war wanaagsan, hadana markasta oo wakhtigu sii dheeraadana in hawshani ay sii kordhayso baahideeduna sii baladhanayso layskuma hayo ‘’ ayuu yiri kusimaha Madaxweynuhu.

Siidoo kale Kusimaha Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in dawladda Puntland ay ku heelan tahay qorshe cadna kayeelatay sidii looga caawin lahaa ummadda Soomaliyeed ee deegaanada Puntland kusoo hayaantay inay ku guryo noqdaan degaanadoodii kuwaas oo uu sheegay madaxweynuhu inay ka kala yimadeen Dawaladd degaanka Soomaalida Ethiopia, Soomaaliland, Galmudug iyo gobolada dhexe ee Soomaaliya.

Madaxweyne kuxiigeenka ayaa ku wargeliyey dadkaasi ku soo hayaamay Puntland cidii doonaysa inay ku guryo noqdaan degaamadoodii inay lasoo xidhiidhaan masuuliyiinta degmooyinka ku aag-dhow meesha ay degen yihiin iyo gobolada Nugaal, Bari iyo Karkaar si loogu fududeeyo rabitaan kooda.

Ugu danbayn, Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Egn. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Kumar Camey ayaa hambalyo u diray ciidanka Dawladda Puntland ee ku heelan difaacida iyo ilaalinta sharafta shacabkooda, waxaana uu si gaara u bogaadiyey ciidamada magaalada Boosaaso ku soo qabtay walxaha qarxa, kuwaas oo cadawgu ku tala jireen inay ku wax yeeleeyeen shacabka magaaladaasi.

–DHAMMAAD—

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.