Gudoomiyaha Gobolka Banaadir” Aniga iyo Al-Shabaab Mawada Joogeeyno Muqdisho

Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebooka ayaa sheegay in Magaalada muqdisho aysan wada joogi Karin Maamulkiisa iyo Xarakada Al-shabaab.

Gudoomiye Thaabit Cabdi Maxamed ayaa tilmaamay in Maamulkiisa uu u baahan yahay muddo lix bilood ah,si Magaalada muqdisho loogu saara dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab oo dhibaato ku haya Shacabka Soomaliyeed.

“Anaga iyo Alshabaab magalaadan ma wada joogi karno, 6 Bil hala siiyo MaaMulka-yaga insha’allaah”, sidaa waxaa yiri Gudoomiyaah Thaabit Cabdi Maxamed, Waa dhamaatay Naas nuujintii hore loo baray Al-shabaab” , ayuu yiri Gudoomiye Thaabit Cabdi Maxamed.

Thaabit Cabdi Maxamed oo horey usoo noqday safiir ku-xigeenka Dowladda Soomaliya ee dalka Mareykanka ayaa dhawaan loo magacaabay gudoomiyaha gobolka banaadir, waxa uuna badalaya Shiikh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale),

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho