Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqul Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa maanta warbixin ay soo saartay ku sheegtay in dowlada Itoobiya ku guuldaraysatay in ay la xisaabtantanto ciidan si gaar ah u tababaran ee Liyu booliska, oo bishii June ee sanadkii 2016 ugu yaraan 21 qof ku dilay deegaan ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo lagu magacaabo Jaamac Dubad.
Human Rights Watch ayaa dowladda Itoobiya iyo maamulka deegaankaba ka codsatay in ay fududeeyaan sidii ay deegaanka Soomaalida u gali lahaayeen baarayaal xuquuqda aadaha ah oo madax bannaan, uuna ka mid yahay mas’uulka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dilalka sharciga ka baxsan , si ay ugu kuurgalaan weerarkii Jaamac Dubad iyo tacaddiyada kale ee lagu eedeeyay Liyu booliska, sidoo kale degdeg magdhaw u siiso dadka ku waxyeeloobay weerarkasi iyo ehelada dadkii halkaas lagu laayay.
Human Rights Watch ayaa sheegtay in dowladda Itoobiya ay intii sanado ah wararka sheegaya tacaddiyada ka dhaca deegaanka Soomaalida uga jawaabaysay in ay xaddido ama koontaroosho weriyayaasha badax banaan, ururada xuquuqda Aadanaha iyo hay’adaha samafalka ee doonaya in ay galaan deegaanka Soomaalida.
Sidoo kale warbixinta Human Rights Watch ayaa lagu sheegay in ay heshay Hay;addu warbixino lagu kalsoonaan karo oo muujinaya dilal aargoosi ah oo ay ciidankaasi kula kaceen dad rayid ah oo ay ku jiraan dumar iyo carruur, kuwaas oo ay Liyu boolis geysteen bilihii Juun iyo Mey ee 2015, ka dib dagaal xuduudda Soomaaliya ku dhexmaray ciidankaasi iyo maleeshiyo beeleed, ka dib markii Koox kormeer ah oo uu sameeyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay sheegeen in qiyaastii 30 ilaa 40 qof lagu dilay dagaaladaas.
Dhanka kale Human Rights Watch ayaa sheegtay in Warbixin ay soo saartay bishii Juun 2008, ay ku ogaatay in Ciidanka Qaran ee Difaaca Itoobiya iyo Jabhadda ONLF, ay labaduba deegaanka Soomaalida ka gesyteen dembiyo dagaal, muddadii u dhexeysay bartamihii 2007 iyo horraantii 2008, iyo in milateriga uu mas’uul ka noqon karo dembiyo ka dhan ah aadanaha, tacaddiyadaas oo aan weligood si madax bannaan loo baarin.
Ciidanka Liyu booliska ayaa la asaasay sanadkii 2017 xilligaasi oo uu meel adag marayay dagaalkii u dhexeeya ciidamada Itoobiya iyo jabhadda ONLF.
PUNTLAND POST