Shirkadda dhismaha CCECC oo la sheegay in ay sahamin Shidaal ka samaynayso Puntland

Shir maanta ay magaalada Garowe ku yeesheen Golaha Xukuumada Puntland oo uu shir-guddoominayay Madaxweyne Gaas ayaa lagu Ansixiyay heshiis la sheegay in ay horey u wada galeen Puntland iyo shirkadda dhismaha ee China Civil Engineering Construction Corporation (CCECC).

War-saxaafadeed ka soo baxay shirkii Golaha Xukuumada Puntland oo nuqul ka mid ah uu soo gaaray Warbaatinta PUNTLAND POST ayaa lagu sheegay in shirkadda CCECC iyo Puntland ay wada galeen heshiis ah in shirkaddu dhisto garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo iyo Wadada isku xirta degmada Eyl iyo Garowe, Arintaas oo ka mid ah ayaa la yiri siyaasada dowlada ee hor-marinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Sidoo kale War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Puntland ay kula heshiisay shirkadda CCECC in ay gudaha Puntland ka sameyso sahamin dhanka Shidaalka ah, isla markaana ay xafiisyo ka furato Puntland.

Heshiiska ay galeen Puntland iyo shirkadda CCECC faah-faahin dheeriya laga ma bixin waxaana laga yaabaa in ay cid kale ku waheliso heshiiska, maadaama CCECC aysan aheyn shirkad sahamin Shidaal.

Warar madax banaan oo ay heshay Warbaahinta PUNTLAND POST ayaa sheegaya in shirkad laga leeyahay China oo aan magaceeda la sheegin ay deegaano ka tirsan Gobolka Nugaal ka fulin doonto sahamin Shidaal, arintaas oo soo ifbaxday ka dib markii dhawaan Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Nadadoonada Gobolka Nugaal qaateen kulan gaar ah.

Shirkadda CCECC oo laga leeyahay dalka China ayaa ah shirkadii dhistay garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso, waxayna sidoo kale Afrika ka fulisay dhismaha wadda Tareenka casriga ah ee isku xirta Jabuuti iyo Itoobiya waana shirkad dhisme oo caalami ah oo shaqeynaysay ilaa sanadkii 1979-kii.

Dhawaan ayay aheyd markii Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas uu shaaciyey in wadahadal ay dalka Itoobiya ku soo galeen ay uga soo baxday dhismaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacayo iyo wado laami ah oo laga hirgelin doono inta u dhexaysa Garowe iyo Eyl.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka Golaha Xukuumada Puntland

Liban Yusuf

PUNTLAND POST