Madaxweynaha Puntland oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Wefti ka socdey Qaramada Midoobey

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa manta 29 March 2017 xafiiskiisa Madaxtooyada Garoowe  ku qaabilay wefti ka socdey Qaramada midoobey oo uu hogaaminayey Mr. Serge G. Kubwimana.

Kulanka uu layeeshay Madaxweynehu weftigan ayaa waxaa ku weghwlinayay masuuliyiin ka tisan goloyaasha Dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland.

Weftiga uu hogaaminayey Mr. Serge G. Kubwimana ayaa ka soo kicitimayay Jamciyada Quriuumaha Kadhexaysa ee New-york, waxaana ay Madaxweynaha kawada hadleen arrimo la xiriira sidii Soomaliya ay ku gaari lahayd doorasho hal qof iyo hal cod ah 2020 iyo sidii looga midha dhalin lahaa nindaamka xisbiyada badan ee uu madaxweynuhu daahfuray.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu horayn  ku soo dhoweeyey weftiga Puntland gaar ahaan Madaxtooyada Garoowe oo uu kulan koodu ka dhacay, waxaana uu madaxweynuhu u sheegay weftiga in aanay fududayn sidii Soomaaliya looga hirgelinlahaa doorasho hal qof iyo hal cod ee ay u baahan tahay dedaal aan joogsi lahayn isla markaana ay lagama maarmaan tahay in lasameeyo qorshe cad oo lagaga hortegi karo caqabadaha manta hortaagan Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa shay in beesha caalamka loo baahan yahay inay doorfiican ka qataan sidii soomaaliyo 2020 loo gaadhsiin laha hiigsiga hal qof iyo hal cod taas oo uu micneheedu yahay in aftidda shacabka lagu gaadho doorasho xor iyo xalaala, isla mar’ahaantaana waxa uu cadeeyey in Dawladda Puntland ay markasta diyaar u tahay kamidha dhalinta arrinkaasi.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa wetiga u sheegay in Puntland dhowaan ka hirgeli doonto doorasho hal qof iyo hal cod ah, maadaama uu daahfuray Madaxweynuhu nidaamka xisbiyada badan, isla mar ahaantana ay ka mid ahayd balan qaad yadiisi doorashada kahor inta aanu Madaxweynaha ka noqon Puntland.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa weftiga la qadaa dhigay in arrimaha doorashoyinka ka Soomaliya ay hormuud u tahay Puntland, isla markaana ay wadada doorasho hal qof iyo hal cod ah dhowaan u jeexi doonto Puntland guud ahaan Soomaaliya oo dhan.

–DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA WACYI-GELINTA HIDdAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND