Al-shabaab ayaa sheegtay in ay sii wadi doono dagaalka ay ku kala jiraan dowladda federaalka Soomaliya iyo Ciidamada midowga Afrika AMISOM ee Soomaliya ku sugan.
Afhayeenka Guud ee Al-Shabaab Cali Maxamuud Raagge (Cali Dheere) oo ka hadlayay doorashadii uu kusoo baxay Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa sheegay in uu sii socon doono dagaalka u dhaxeeya dowladda iyo Al-shabaab.
Fariin maqal ah oo uu soo duubay Afhayeenka al-Shabaab Cali Dheere ayuu ku faah faahiyay mowqifka rasmiga ah ee Xarakada Al-Shabaab ka qaadatay dowladda cusub ee Soomaaliya ee uu hogaaminayo farmaajo.
“Waxaan u sheegeynaa dowladda uu Farmaajo calanka u sida in aad mari doontaa wadadii ay mareen kuwii idinka horeeyey, Laba arrin midkood ayaadna noqon doontaan Insha’Allaah, mida koowaad oo ah in aad ku baxdaan gacanta Muslimiinta iyo mida labaad oo ah in ay gaaladu idinka badal qaadato idiinkoo duleysan sida kuwii idinka horeeyey oo kale, Mab da’a gaalada kama hirgelin doontaan dhulkan ay Muslimiintu ku nool yihiin”ayuu yiri Sheekh Cali Dheere oo la hadlay warbaahinta Al-shabaab.
“Waxaa leeyahay ama C/llaahi keena, ama Shariif Keena, ama Xasan Keena ama Farmaajo keena, ama Faarax iyo Jaamac keena, waxba nooma kala duwana, ujeedka dagaalkeena kuma xirna shaqsiyaad, ee waxay ku xiran tahay mabda’,” ayuu mar kale yiri Afhayeenka Guud ee Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raagge (Cali Dheere).
Ugu dambeyntii Afhayeenka Guud ee Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raagge (Cali Dheere) waxa uu ugu baaqay shacabka Soomaliyeed in ay la shaqeyeen Al-shabaab si meesha loogu saaro dowladda Cusub.
PUNTLAND POST