Shir lagu daah-furayey wejiga labaad ee tirokoobka shaqaalaha Puntland oo ka qabsoomay Garowe

Wasaradda shaqada, shaqaalaha dhallinyarada iyo ciyaaraha dawladda Puntland Ayaan maanta daahfurtay wejigii labaad ee barnaamijka tiro-koobka shaqaalaha rayidka ah ee dawladda Puntland, barnaamijkaas oo ujeedkiisu ahaa in dib u habayn lagu sameeyo si rasmi ahna loo tiro koobo guud ahaan shaqaalaha dawladda.

Shirkaan lagu daahfurayey wejiga labaad ee tirokoobka shaqaalaha dawladda oo ka qabsoomay xarunta wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha dawladda Puntland ayaa waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiinta Wasaaradda, shirkad caalami ah oo lagu magcaabo PEC oo ku guuleysatey tartan ay u gashay in ay kala shaqayso dawladda barnaamikaan tiro kooobka, guddiga wacyigelinta shaqaalaha iyo masuuliyiin ka kala socda dhammaan xarumaha kala duwan ee dawladda.

Barni ciise oo ah agaasimaha waaxda shaqada iyo shaqaalaha ee wasaaradda oo hadal kooban ka jeedisey furitaankii shirka ayaa faahfaahisay ujeedada shirkaan iyadoona xustay in ay dhowaan wacyigelin kazoo sameeyey xarumaha dhammaan xarumaha dawladda oo ay ku jiraan kuwa gobolladu.

Sidoo kale Maxamed Cabdullaahi Maxamed Xiriiriyaha Mashruuca tayaynta iyo shaqo qorinta ee uu bangiga adduunku ka taageerayo dawladda oo isaguna dhankiisa ka hadlay muhiimadda barnaamijkaani uu u leeyahay shacabka iyo dawladnimada Puntland ayaa carrabka ku adkeeyey in yahay mid qayb libaax ka qaadan doona tayada shaqaalaha dawladda Puntland.

Dhinaca kale Madaxa shirkadda caalamiga ah ee ku guulaysaytahay barnaamijkaan Dr Philips ayaa sheegay in ay  dhankooda muujin doonaan shaqo wanaag isla markaana ay talooyin dhaxal gal ah kasiin doonaan dawladda qaabkii ay u tayayn lahayd shaqaaleheeda isla markaana ay tirokoob rasmi ah ugu samayn lahayd.

Ugu dambayn wasiirka shaqada, shaqaalaha, dhallinyarada iyo ciyaaraha dalwadda Puntland Cabdiraxmaan Shiikh oo shirka si rasmi ah u furay ayaa uga mahadceliyey guddiga wacyigelinta shaqaalaha wada, sidoo kale waxa uu wasiirku soo dhoweeyey shirkadda PEC oo dawladda kala shaqayn doonta barnaamijkaan tirokoobka ah.

Wasiirka ayaa tilmaamay in uu barnaamijkaani muhiimad gaar ah u leeyahay dawladda, isla markaana uu  qorshaha dawladdu yahay in si rasmi ah loo tiro koobo guud ahaan shaqaalaha rayidka ah ee dawladda, maadaama uu madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu hore u ballan qaaday in shaqaalada dawladda dib u habayn lagu samayn doono si kor loogu qaado tayadooda.

—Dhammaad—-