Somaliland oo ansixisay in Imaaraaadku sildhig Melitari ka sameysto Berbera

Barlamaanka Somaliland ayaa maanta ansixiyay heshiis ay horey ugaleen Somaliland iyo dowlada Imaaraadka Carabta, kaas oo ahaa in Imaaraadku sildhig Melitari ka sameysto magaalada Berbera mudo 25 sano ah.

Heshiiska ayaa waxaa si wada jir ah u ansixiyey labada gole ee guurtida iyo Wakiilada Somaliland oo uu shir gudoominayey gudoomiyaha golaha Guurtida Saleebaan Nuur.

Heshiiskan ayaa waxaa ogolaatay 144 Xildhibaan waxaana diiiday hal Xildhibaan, halka mid kalana uu ka aamusay gudoomiyuna macadonayn, waxaana kalfadhiga joogay 147 Xildhibaan.

Heshiiskan ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay doodiisu ka taagnayd Somaliland, kaasi oo Bulshada qaybo kamid ahi ay diidanaayeen ,halka qaarna  ay soo dhaweeyeen.

Dhanka kale dowlada Itoobiya ayaa ka walaac sanayd saldhiga Melitari ee Imaaradku ka sameysanayo magaalda Berbera, iyagoo arintaas kala hadlay wassiiro ka tirsan Somaliland oo Addis Ababa tegay.

PUNTLAND POST