Dowlada Soomaaliya oo daabacaysa Lacag cusub

Gudomiyaha Bankiga dhexe ee Somaliya

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in sanadkan ay qorsheynayso in ay soo daabacdo Lagac Shilin Soomaali ah oo cusub, taas oo dalku yeelan doono.

Bashiir Ciise Cali gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyey Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in sanadkan ay soo daabacayso Soomaaliya Lacag Shilin Soomaali, taas oo u xayirnayd Labo asbaabood oo kala ah  mid farsamo iyo Lacagtii lagu daabicilahaa Lacagtaas.

Gudoomiya ayaa sheegay in ay xal uheleen tan farsamo ayna tababareen Shaqaale iyo nadaam Lacageed, taas oo ay gacan ka siiyeen Hay’adaha Bankiga Aduunka iyo IMF.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Soomaaliya khaqaaalihii lagu daabicilahaa Lacagtaas ka sugeyso Beesha Caalamka shirka Bisha May lagu qabandoono London.

Maalmihii danbe waxaa aad u sare kacay qiimaha sarifka Lacagta Shilinka Soomaaliga ah taas oo  lagu kala sarifanayey 1-ka Dollar qiimo dhan 15 kun ilaa 14 kun, halka markii horana lagu kala sarifan jiray 24 kun.

PUNTLAND POST