Maxkamada racfaanka Mareykanka oo diiday Amarkii Trump

Maxkamada darajada sagaalaad ee racfaanka Mareykanka ayaa diiday in ay ogolaaato isku daygii madaxweyne Donald Trump ee ahaa in uu soo celiyo amarkii uu ku mamnuucay qaxootiga iyo muwaadiniinta kasoo jeeda 7 wadan oo ka mid ah dalalka Islaamka in ay soo galaan Mareykanka.

Maxkamadda racfaanka ayaa sheegtay in aysan hor istaagaynin go’aankii uu todobaadki hore garsooraha maxkamada Seattle James Robart uu ku hakiyey g,aankii madaxweynaha Donald Trump.

Madaxweyne Trump oo ka jawaabaya irintan ayaa bartiisa Twitterka ku soo qoray in ammaankii qaranku uu halis ku jiro uusanna sidaa uga hari doonin oo uu sharciga adeegsan doono.

Sidoo kale xeer ilaaliyaha guud ee maxkamada gobolka Washington, Bob Ferguson oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Seattle ayaa sheegay in Mareykanka uu yahay dal leh sharci, qaanuunkana uu qabto dhamaan dadka oo dhan oo uu ku jiro madaxweynaha.

PUNTLAND POST