Madaxwaynaha cusub ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa xalay casho sharaf u sameeyay murashaxiintii u tartameysay xilka madaxweynaha dalka.
Madaxweynaha iyo musharaxiinta kulan kooda ayaa ahaa sidii looga wada shaqeyn lahaa midnimada iyo horumarka ummadda Soomaaliyeed.
Musharaxiintii ayaa sheegay anay ku faraxsan yihiin casho sharafta Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo, waxayna ballan qaaadeen in ay la shaqeyn doonaan Madaxweynaha cusub si howlaha horyaala uu ugu guuleysto.
Ugudanbeyntii Maxamed Cabdilaahi Farmaajo Madaxweynaha cusub ee dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay musharraxiinta sida ay u aqbaleen caasumaadiisa, wuxuuna sheegay inay ka go’an tahay ka miro dhalinta qorshihii uu ku soo bandhigay Baarlamaanka, wuxuuna soo dhaweeyey taageerada musharaxiinta, isagoo sheegay in uu mar walba u baahan yahay taageeradooda.