Madaxweyne Farmaajo oo Fariin u diray Shacabka Soomaaliyeed

Madaxweynaha cusub ee dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa xalay Warbaahinta kala hadlay Shacabka Soomaaliyeed, isagoo uga mahadceliyey taageerada ay muujiyeen Shacabku.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday in ay isdejiyaan lana joojiyo dabaaldegyada, wuxuuna Shacabka ugu baaqay in ay isu gargaaraan una gurmadaan dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen Abaaaraha dalka ka jira.

Ugudanbeyntii Madaxweyne Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyey geeridii Allaha unaxariistee Madaxweynihii hore ee Puntland Gen. Maxamuud Muse Xirsi “Cadde” oo Arbacadii ku geeriyooday dalka Imaaraadka Carabta.

PUNTLAND POST