Waa kuma Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Farmaajo ?

Maxamed Cabdulaahi Maxamed oo ku magac dheer Maxamed Farmaajo waxa uu ahaa Ra’iisul wasaarahaii hore ee dowladii kumeel gaarka Soomaaliya.

Maxamed Farmaajo waxaa ansixisay barlamaankii DFKMG  taariikhda markii ay aheyd 31 Oktoobar 2010, waxa uuna xilka iska casilay taariikhda marka ee eheyd 19 Juun 2011.

Is-casilaadiisa waxay timid  markii madaxweyne sheekh Shariif Axmed iyo gudoomiyaha barlamaanka Shariif Xassan ay ku saxiixdeen dalka Uganda in ay awooda qeebsadaan isla markaasna xilka laga qaado mr Farmaajo.

Dalka Uganda ayaa lagu qabtay shir looga hadlaayay Siyaasadda Soomaaliya, si loo xaliyo khilaafaadka ka dhaxeeyay mas’uuliyiinta Dawladda KMG taariikhda marka ee eheyd 10 Juun 2011 ayaa dalka Udanda looga dhawaaqay in xukumada Farmaajo isku casisho mudo 30 maalmood gudahood ah.

Waqtigaas kadib waxaa dhacay mudaaharaadyo balaaran oo looga soo horjeedo labada Shariif isla markaas na lagu taageeraayay mr Farmaajo.

Banaanbaxyadaas kadib mr Farmaajo waxa uu go’aansaday in oo xilka sii haayo ilaa inta ee barlamaanka xilka ka qaadayaan, laakiin way u suurto geli weysay in uu sii joogo waxuuna xilka iska dhiibay 19 juun 2011.

Taariikh Nololeed

Farmaajo waxa uu dhashtay sanadka marka oo ahaa 1962, waxoo ku dhashtay caasimadda Muqdisho, waxa uuna waxbarashadiisa aasaasiga ku qaatay magaalada Muqdisho,Waxuu ahaa mudooyinkii danbe nin Somali Mareykan ah oo ku noolaa dalka mareykanka waqti aad u dheer, wuxuu shahaadada B.A iyo M.A ka qaatay Jaamacadda New York ee ku taalla Buffalo sanadihii 1997-dii iyo 2000.

Dowladii dhexe ee Maxamed Siyaad Barre waxuu Farmaajo mar u dooratay danjiraha safarada ee somalia ku lahaan jirtay magaalo madaxda Washington ee dalka Maraykanka, sanadka marka oo u dhaxeeyay 1985 ilaa 1988.

Raii’sul wasaaraha cusub markii loo ansixiyay waxaa shacabka Soomaaliyeed ugu balan qaaday in oo dalka dhibaatada ka saaraayo, isla markaas na dib-udhis iyo isbedel weyn uu sameenaayo dalka.

Ra’iisul wasaaraha markii uu ahaa  waxa uu magacaabay xukumad yar oo kooban, oo badankooda ayah Soomaalida qurbo joogta ah, Xukumada uu soo magacaabay waxee ka koobanyihiin 18 Wasaaradood.

Waxaa uu xilka kadagay 16/08/2012 waxaana qabtay xilka ra’iisal wasaare nimo dabadii Cabdiwali Cali gaas, Famaajo waxaa lagu yaqaanaa cadalada iyo ka hor marinta wax walba arimaha Dawladda waxaa uu Farmaajo ku labtay Muqdisho09/08/2012 markuu kamaqanaa modo sanad ah asagaa oo musharax u ah xisbiga Tayo.

Maxamed Cabdulaahi Farmaajo waxaa maanta oo taarikhdu tahay 08/02/2017 loo doortay madaxweynaha Jamhuuriyaha Federaalka Soomaaliya.

Puntland Post