Farmaajo oo ku guulestay madaxweynaha Soomaaliya

Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ku guuleystay xilka madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka  Soomaaliya, ka dib markii Xasan Sheekh Maxamuud uu tanaasulay wareeg Seddexaad.

Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ku guuleystay 184 cod, halka Xasan Sheekh Maxamuud oo ku soo xigay uu helay 97 cod.

Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa hada loo dhaariyey madaxweynaha jamhuuriyada Federaalka Soomaaliye.