WARBIXIN+SAWIRO:- Madaxweynaha Puntland oo Ka Qayb Galay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka qayb galay doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo ka dhacday magaalada muqdisho, waxaana baarlamaanka Soomaaliya ay u doorteen Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa waxaa doorashada kala qayb galay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan golayaasha Dawladda Puntland, sidoo kale waxaa madaxweynaha kala qayb galay masuuliyiinta kala duwan ee madaxda dawladaha xubnaha ka ah Dawladdda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa madaxweynaha cusub ee Dawladda Federaalka Soomaaliya Maxmed Cabdullahi Farmaajo ugu hambalyeeyey guusha wanaagsan ee uu ka gaaray tartankii doorashada madaxtinimada ee dalka Soomaaliya.

–DHAMMAAD–

Xafiiska Warfafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka e Madaxtooyda DAwladda Puntland.