Cali Khaliif Galaydh madaxweynha maamulka Khaatumo ayaa safar dhulk ah ku tegay magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland isagoo uga sii gudbay Djibouti, ka dib markii ay shalay ciidamo deegaanka Buuhoodle ku sugan ay u diideen in uu ka duulo garoonka diyaaradaha magaaladaas.
Cali Khaliif Galaydh ayaa safar dhulka ah galay xalay saxdii dhexe isaga oo gaaray Burco ugana sii baxay Hargeysa, saakana garoonka diyaarahada Ciyaal uga sii duulay Djibouti.
Cali Khaliif iyo wafti uu hogaaminayo oo saddex ah oo ka tirsan maamulkiisa ayaa diyaarad ka raaci lahaa shalay magaalada Buuhoodle si ay Djibouti ugaga qaybgalaan wadahadallo la sheegay in ay u socdeen Khaatumo iyo Soomaaliland.
Cabdifataax Baydan oo ah taliyaha ciidankii Buuhoodle ku xanibay Galaydh shalay ayaa sheegay in aysan ku qanacsanayn wadahadallada uu kula jiro Somaliland.
PUNTLAND POST
.