Madaxweynaha Puntland oo lagu soo dhaweeyey Muqdisho

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta 05, Febuary 2017 safar shaqo ugu anba baxay magaalada muqdisho , waxaana si diiran loogu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaga Aadan Cadde Airport ee magaalada Muqdisho, soo dhoweynta madaxweynaha waxaa ka qayb galay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan golayaasha Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Dawladda Puntland waxaa safarkiisa ku wehelinaya Guddoomiyaha Baarlamaanka Dawladda Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi , wasiiro, xildhibaano iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Madaxweynaha ayaa soo dhoweynta ka dib waxaa uu ku nastay qaybta VIP-da ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Airport, waxaana uu warbaahinta u sheegay in isaga wafdiga uu hogaaminayo ay magaalada muqdisho joogi doonaan mudo kooban.

“Magaalada muqdisho waanu joogaynaa mudo kooban insha allaah, maadaama uu dalku ku jiro marxalad kala guur ah iyo doorashooyinka madaxtinimo ee dalka, waxaanuna rajaynaynaa in wax fiican ay kasoo bixi doonaan arrimaha doorashooyinka dalka oo heer gebo-gebo ah maraya” ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kaalin muhiim ah ka qaatay geeddi socodka doorashooyinka iyo nidaamkii lagu soo dhisay labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, wuxuuna ku rajo weyn yahay in guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ay ku tallaabsadaan horumar iyo barwaaqo.

–DHAMMAAD–

Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Dawladda Puntland.