Waxaa Goordhow Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Soomaaliya ka bilaabatay Dhageeysiga Qudbadaha musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya.
Musharax Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa hadda Qudbad ka horjeedinaya Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya isga oo sheegaya waxyaabaha uu qaban doono.
Dhanka kale ilaa iyo iminka waxaa xurta aan soo Xaadirin Musharixiinta Sh.Shariif iyo Xasan Sheekh oo iyagu ka maqan xarunta Golaha shacabka ee Muqdisho.
Dhanka kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay doodii Musharraxiinta ee Baaqatay maalintii Isniint dib loo qabanayo 6-da Bishaan feberaayo.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho