Madaxweynaha Puntland oo gaarey Garowe

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftidii balaadhnaa ee uu hogaaminayo  ayaa maanta 31 January 2017 si diiran loogu soo dhoweeyey Caasimada Dawladda Puntland ee Garoowe iyo degmada Dangorayo ee gobolka Nugaal.

Madaxweynaha Dawladda ayaa kulan is xog waraysi ah la qaatay maamulka degmada Dangorayo iyo waxgaradka degmadaasi, waxayna madaxweynaha uga warbixiyeen mudadii ay xilka hayeen golaha degaan ka degmada dangorayo waxyabihii u qabsoomay iyo wax qabadka ay tiigsanayaan mustaqbalka dhow,  intaasi ka dib Madaxweynaha ayaa soo kormeerey saldhiga ciidan degmada Dangorayo oo dhowaan ay Dawladdu dhamaystirtay dhismihiisa.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo lahadlay maamulka degmada dangorayo iyo waxgaradka degmadaasi ayaa sheegay.

”golaha degaanka degmada dangorayo waxaan aad ugu amaanayaa sida wanaagsan ee ay uga dhexayso wada shaynta iyo sida ay u horumariyeen degmada iyo dhamaan degaanada hoos yimaada mudadii yarayd ee ay xilkaasi hayeen, waxaan idin ka rajaynaynaa inaad halkaa ka sii wadaan dedaalka iyo u heelanaanta aad yagleelka ugu jirtaan inaad horumarisaan degmada iyo dhamaan degaanada hoosyimaada” ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa si diiran logu soo dhoweeyey Caasimada Dawladda Puntland ee Garoowe waxaana soo dhoweynta Madaxweynaha iyo weftigiisa ka qayb galay Gudoomiyaha Baarlanaanka Dawladda Puntland Mudane Ahmed Cali Xaashi, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawlada Puntland, Maamulka degmada Garoowe, kan gobolka nugaal iyo shacabka magaalada Garoowe ee caasimada Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo lahadlay warbaahinta ayaa ka warbxiyey safarkii dheerah ee uu ugu kuurgelayey wax ka ogaanshaha xaalada nololeed ee ay ku sugan yihiin ummada Soomaaliyeed ee ku soo hayaantay degaanada gobolada Bari iyo Karkaar iyo sidoo kale dadka degaanadaasi ku dhaqan.

”waxaan mudo todoba cisho ah ku maqnayn safar aanu wax kaga ogaanayneyney xalada ka jirta deganadii aanu soo marnay wixii anu awoodneyna waanu ugayney ee ku yimi isku tashiga Dawladda Puntland iyo shacabkeeda waxaana illahay uga baryaynaa inuu umadiisa ushubo raxmadiisa kana saaro abaarta”  ayuu yiri madaxweynaha Dawladda Puntland.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Dawladda Puntland mudane Ahmed Cali Xaashi ayaa isna dhankiisa ku soo dhoweeyey madaxweynaha iyo weftigiisa caasimada Dawladda Puntland isla markaana waxa uu ku tilmaamay safarka Madaxweynaha iyo weftigiisa mid guulweyn u soo hooyey sharafta Dawladda Puntland iyo shacabkeeda.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  ayaa ka hadlay doorashada Soomaaliya ee lagu dooran doono Madaxweynaha Soomaaliya 08 February 2017 waxaana uu madaxweynuhu illahay ka baryey in doorashu ku bilaabato kuna  dhamaado si nabad gelyo ah isla markaana ay ahaato mid horumar u horseeda Soomaaliya.

.–DHAMAAD–

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA HIDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.