Guddiga qaban qaabada Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in gabi ahaanba la joojiyay doodii loo qaban lahaa Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha dalka.
C/raxmaan Ducaale Beyle Guddoomiyaha Gudiga qaban qaabada Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo warbaahinta kula hadlay xarunta Barlamaanka ee Villa Hargeysa ayaa sheegay in Maanta Soomaaliya ay ka jirtay cilad xaga Internetka ah, taasina ay keentay in si toos ah Warbaahinta looga daawan waayo Dooda musharaxiinta.
Guddoomiyah ayaa sidoo kale sheegay in haddii dib loo dhigo Dooda musharaxiinta oo mar kale la qabto ay khaldi karto Jadwalka habraaca Doorashada madaxweynah Soomaaliya.
Maalinta khamiista ah oo ku began 2-da Bisha Feebaraayo ayaa waxaa bilaabanaya khudbadaha Musharaxiinta Madaxweynaha ay u jeedindoonaan Baarlamaanka Soomaaliya taas oo socon doonta ilaa 5-ta Bisha Feebaraayo.
Maanta ayaa 12 Musharax diideen in ay ka qeyb galaan Dooda ka dib markii loo diiday in ay ka qayb galaan warbaahinta madaxa banaan.
PUNTLAND POST