Salaad Cali jelle oo kamid ahaa Musharaxiinta u tartameeysa Jagada Madaxtinimo ee Wadanka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay.
Salaad Cali Jeele oo Wariyaasha la hadlay ayaa sheegay in uu guud ahaan uu ka tanaasulay rabitaankiisa qabashada xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya.
Waxa uu Siyaasi Salaad Cali Jelle uu sheegay in Xisbiga Damul Jadiid uu Musuq Maasuqay Doorashada dalka Soomaaliya,waxaana uu sheegay in uu dib isku soo sharixi doono markale markii uu dalku uu wanaagsanaado hayeeshee hadda dalku uu ku jiro dhibaatooyin kooxeed sida uu sheegay.
Hoos Ka Daawo.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho