(War-saxaafadeed) Ganacsatada Banaadir oo cabasho u gudbiyay Dowladda Somalia

largeWar-saxaafaadeed ay si wadajir ah usoo saareen ku dhawaad 220 shirkadood oo ka jira gobolka Banaadir ee dalka Somalia ayaa cabasho iyo baaq loogu diray dowladda Federaalka Somalia.
Qoraalkaas ayaa ganacsatadu kaga cowdeen lacago si sharci darro ah loo siiyo Rugta ganacsiga Somalia taasoo ay sheegeen inaysan jirin cid wax loogu qabto markii horena loo maray sifo sharciga hareer marsan.

Ganacsada ayaa baaqooda dowladda Somalia gaar ahaan wasaaradda maaliyadda kacosaday in la tixgaliyo dalabkooda maadama ay sheegeen in lacag sannadkii ku dhow Nus-Malyuun dollar aan laga war-qabin halka loo isticmaalo.

Arrintan ayaa timid xilli laga qaado canshuur joogto ah ganacsatada islamarkaana aan lagu soo celin waxna loogu qaban dadkii laga qaaday, balse ay dhaxleen oo kaliya sicir barar joogto ah.
4War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska ganacsatada Gobolka banaadir ayaa lagu yiri Waa muhiim in cidkasta danaha gacansiga ku lug leh  in ay ogaato qoraalka aan u gudbinay dowlada oo aan kaga codsanay in aan lacag canshuur ah looga qaaday  ganacsao aan la siin ganacsato kale

Doorasahad ganacsatada Mgaalada Muqdisho taariiqda 23-11-2016 lagu doortay gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenadiisa waxay ka shaqa bilaabeysaa xarunta cusub ee tugta ganacsiga banaadir
waxaan soo jeedineynaa in rugta ganacsiga somaliyeed dib dib u habeyn lagu sameeyo inta ka horeysana ay cid walbo ogaato in aysan matalin ganacsatada magaalada Muqdisho.

5Waxaa saxiixay warsaxaafadeedkan 219 shirkadood
JAMHUURIYADDA FEDRAALKA SOOMAALIYA
Tr. 27/12/2016

Ku: Wasiirka Maaliyadda ee Dowladda Federalka Soomaaliya

Ku: Wasiirka Ganacsiga & Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Ku: Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Ku: Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka Soomaaliyeed

Og: Rugta Ganacsiga Iyo Warshadaha Soomaaliyeed

Og: Bankiga Dhexe ee Soomaaliya

Og: Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federalka Soomaaliya

Og: Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Ujeeddo: Codsi Wax ka qabasho Khidmad Sharci darro ah

Annagoo ah shirkadaha iyo ganacsatada magacyadooda hoos ku saxiixan yihiin, ahna kuwa ugu canshuur dhiibista badan ee magaalada Muqdishu, waxaan madaxda sharafta leh u soo gudbineeynaa cabasho liddi ku ah khidmad canshuureed sharci darro ah oo la siiyo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, taasoo looga jaro dakhliga canshuurta furdada Xamar bil kasta.

Hordhac

Sida la ogsoonyahay canshuurtu waa dakhli maaliyadeed oo ku soo uruura qasnadda dowladda ee Bankiga Dhexe ee Soomaaliya. Canshuuraha furdada Muqdishu waa dakhliga ugu muhiimsan ee Dawladda Federalka Soomaaliya si dhab ah ugu tiirsan tahay, gaar ahaan canshuuraha laga qaado badeecooyinka dibadda laga keeno (imported goods and services).

Qaadista canshuuraha furdada iyo uruurinta dakhliga waxay ku saleysan yihiin sharci; mana jiro sharci dowladeed oo ogolaanaya in dakhliga canshuurta furdooyinka dalka laga siiyo khidmad boqoleey ah shaqsi, shirkad, Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed iyo iwm. Sababtuna waxa ay tahay in dakhliga canshuurta loo adeegsan kara oo keliya danaha guud ee ummadda.

Dakhliga Canshuurta Furdada Xamar Sanadkasta waa mid sii kordhaya. Sanadkii 2013 waxeey aheeyd taqriiban USD58.7 milyan, Sanadkii 2014 waxeey aheeyd taqriiban USD62.1 milyan, Sanadkii 2015 waxeey aheeyd taqriiban USD70.5 milyan. Waxaana la rajeynayaa in sanadkaan 2016 korarka dakhliga Furdada uu gaaro taqriiban USD80 milyan. Wadarta dakhliga canshuur ahaan uga soo xarooday min 2014 ilaa 2016 wuxuu gaarayaa taqriiban USD270.

3Murtida Cabashada

Markaan baarnay xaaladda maaliyadeed ee canshuurta dekedda, waxaa caddaatay in magaca Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed laga siiyo khidmad dhan 0.5 boqolkiiba oo ah dakhliga guud ee bil kasta canshuur ahaan uga yimaada Dekedda Xamar. Halkaas waxa ka muuqanaysa in khidmadda canshuurta laga gooyo, ee la siiyo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha in ay tahay taqriiban nus malyuun doolar sanadkiiba; khidmaddaasuna tahay mid sii kordheysa markasta oo canshuurta canshuur bixiyeyaashu dhiiban ay kororto. Lacagtaas oo aan sharciga waafaqsaneyn; waxaa loo isticmaali karay arrimo muhim u ah ummadda sida wax ka qabashada abaaraha, caafimaadka, waxbarashada iyo adeegyada kale ee bulshada Soomaaliyeed aadka ugu baahan yihiin.

Arrintan waxay meel ka dhac ku tahay mabaadii’da guud ee canshuurta oo sugaya in canshuurta loo adeegsan karo oo kaliya fulinta danaha dadwaynaha.

Ganacsatada qoraalkan ku saxiixan waxay dhowr jeer arrintaan si toos ah iyo si dadban intaba ugala hadleen Madaxda Wasaaradda Maaliyadda, waxayna weydiisteen xeerka canshuuraha ama xeer kale ee Dowladeed oo ogolaanaaya dhaqangelinta in dakhliga canshuurta khidmadda laga siiyo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed; gaar ahaan sida ay ku waajibtay iyo waqtiga laqaadayo ama lajoojinayo khidmaddaan.

Sidaas darteed waxaa lagama maarmaan ah in la aqoonsado lana tixgeliyo arrimahan:

Ma jiro xeer ama sharci lagu go’aamiyay asalka khidmadda qaadisteeda, mana jiro tabbeelayaal ay ku qoran tahay khidmadaas si loo ogeysiiyo ganacsata soomaliyeed ee bixiya canshuurta dekedda Xamar.

Ma jiro Sharci lagu soo saaray heer wasiir, madaxweyne, barlaamaannadii hore ama midka Federaalka ah ee hadda jira oo ogolaanaaya in dakhliga ka soo xarooda dekedda khidmad ahaan loo siiyo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ama dad khaas ah.

1Caddeyn Ujeeddo
Ujeedka ganacsatada ee ku aaddan cabashadaan waa:

  1. In la helo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed oo leh isla xisaabtan dhab ah,
  2. In howlaha Rugta lagu maareeyo khidmad laga qaado ganacsatada xubnaha ka ah Rugta (Membership fee); marnabana aysan dhicin in canshuurta ummadda loogu adeego ganacsato gaar ah.

Codsi/Dalab
Haddaba ganacsatada hoos ku saxiixan waxay ka codsanayaan hay’adaha ay khuseyso:

  • In Wasaaradda Maaliyadda ay si deg deg ah u joojiso bixinta khidmaddan sharci darrada ah ee la siiyo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha bil kasta, lana joojiyo laga bilaabo Disembar 2016.
  • In Wasaaradda Maaliyaddu ay dhaqangaliso sharci “custom Law of 1961” iyo Tariffa Dogonale 1968 “ iyo sharciga miisaaniyadda dalka ee 1961. Sharciyadaas waxaa ku cad nidaamka canshuuraha; mana oggolaanayaan in dakhliga canshuuraha ee dowladda laga siiyo khidmo shakhsi, shirkad iyo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha.