Shaqaalaha Madaxtooyada Puntland oo Tababar uga furmay Garoowe

Tababar lagu baranayey habka loo isticmaalo Email-lada Casriga ama Professional Emails iyadoo la adeegsanyo  Google for Government si loo tayeeyo habka shaqada isla markaana loo adkeeyo xogta iyo sirta dawladda ayaa maanta uga furmay magaalada Garoowe  shaqaalaha Madaxtooyada dawladda Puntland.

Tabarbarka ayaa ugu horrayn waxaa hadal ka jeediyey Maxamed Cabdullaahi Maxamed oo ah Madaxa mashruuca tayaynta iyo shaqo qorista ee uu bangiga adduunka ka caawinayo dawladda Puntland isla markaana ay ka faa’iidaysanayaan inta badan Wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee dawladda.

Madaxa mashruuca ayaa sidoo kale xusay in tababarkaani uu qayb ka yahay hannaanka kor u qaadista tayada aqoonta shaqaalaha Madaxtooyada Puntland, taas oo ka mid ah  ballan qaadkii Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ee ahaa tayaynta iyo dib u habaynta shaqaalaha dawladda.

Agaasimaha waaxda shaqada iyo shaqaalaha Madaxtooyada dawladda Puntland Ciise Maxamuud Cumar (Dalmar) oo isaguna geestiisa kelmed ka jeediyey goobta ayaa sheegay in barnaamijkaani uu yahay mid wax weyn ka anfici doona shaqaalaha Madaxtooyada isla markaana uu muhiimad gaar ah u leeyahay shaqaalaha Madaxtooyada.

Yuusuf Cabdi Soome oo ah Agaasimaha waaxda Arkiifiyada Madaxtooyada ayaa isaguna kula dardaarmay shaqaalaha Madaxtooyada in ay cilmigaan ay maanta baranayaan ku dabakhaan shaqooyinka muhimka ah ee ay u hayaa Madaxtooyada.

Ugu dambayn, Kusimaha Agaamiha guud ee Madaxtooyada ahna agaasime kuxigeenka Madaxtooyada Cawil Xasan Daad oo tababarka furay ayaa ku dheeraaday muhiimadda uu tababarkaani u leeyahay shaqaalaha Madaxtooyada, isla markaana waxa uu tilmaamay in uu ka mid yahay  tababarkaani waxyaabihii ay ku taamaysey Madaxtooyadu.

Sidoo kale agaasimuhu waxa uu kula dardaarmay shaqaalaha Madaxtooyada in ay si qoto dheer uga faa’iideystaan tababarkaan iyo casharradaan muhimka u ah shaqada Madaxtooyada isla markaana sida ugu dhaqsiyaha badan looga sugayo shaqaalaha Madaxtooyada in ay la yimaadaan is beddel mugleh.

Tababarka ayaa waxaa bixinaya Cali Siciid Maxamed (Nac-nac) oo ah khabiir dhanka Tiknoolojiyadda iyo isgaarsiinta ku xeel dheer isla markaana la taliye uga ah mashruuca tayaynta shaqaalaha ee  Capacity Injection Project dhinaca ICT-ga, waxaana uu socondoona tabarkaasi muddo labo maalmood ah.

—DHAMMAAD—

20161225_085812 20161225_085842 20161225_085848 20161225_085857 20161225_085911 20161225_085932 20161225_090101 20161225_090120 20161225_090630 20161225_090811 20161225_090828 20161225_094611 20161225_094636 20161225_094646