Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalbka Sida iyo Danbiyada culus ee Shan Gobol oo ka Tirsan Puntland Col. Cabdiftaax Xaaji Aadan ayaa Ka hadlay Dilka Xeer ilaaliyihi Maxkamada Puntland,
Gudoomiyaha oo La hadlayay Goordhoweyd qaar kamid ah warbaahinta
ayaa Sheegay in dilka Masuulka ay ka danbeeyeen Kooxo Ku Hubeysan Bastoolad, kuwaas Oo Kadibna Goobta Ka Baxsaday,
Wuxuu sheegay in dilka Marxuumka ay ka xunyihiin, Looguna Geystay Aaga Hotelka Bootaan Oo Ku Dhow Saldhiga Qeybta Booliska Ee Gobolka Bari oo aan sidaas oga fogeyn meesha lagu dilay Xeer ilaalihii Guud ee Maxkamada Ciidamada Militeriga Puntland,
Dhanka kale Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalbka Sida iyo Danbiyada culus ee Shanta Gobol oo ka Tirsan Puntland Col. Cabdiftaax Xaaji Aadan ayaa waxa uu shegay in ciidankii ka ag dhawaa goobta markii uu dilku dhacayey in maxakamad la gan doono madama ay ku fashilmeen shaqa doodii.
Dhinaca Kale Al-Shabaab Ayaa Durba Sheegatay Masuuliyada Weerarka lagu dilay Xeer ilaalihi Guud ee Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland Gaashaanle Sare Cabdikariin Xasan Firdhiye, Oo Lagu dilay Meel aan sidaas oga fogeyn Xarunta Maxkamada ee Boosaso.
Malmihii ugu danbeyey Boosaso waxa ka socday dilal kala duwan oo loogaysanayo masuuliyiin ka tirasan Puntland mana jirto cid loo soo qabtay dilalka masuuliyiinta .
CABDIQANI BOOS
PUNTLAND POST