Taliyaha Ciidama Booliska Puntland Jen.C/qaadir Shire Faarax (Erag) ayaa Maanta Kormeeray Saldhiyada Booliska Puntland ee Degmooyinka Boocame iyo Tuko-raq ee Gobalka Sool,Halkaasi oo uu u Booliskii ka howlgalayay Tiro-koob ku sameeyay.
Taliyaha Booliska Puntland ayaa waxaa kormeerkiisa ku wehlinayay,Taliye ku xigeenkiisi kobaad bile farax cali iyo Saraakiil kale,isagoona Tirakoobida Ciidamda ka bilaabay Degmada Tuka-raq Deegaanda hoos yimaada ee Gobalka Sool.
Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen.Erag ayaa sheegay in Boolisku ay yihiin tiirka kobaad ee Dowlada,islamarkaana wuxuu heegay in uu ka Xun-yahay sida ay yihiin Saldhiyada Gobalka Sool oo u sheegay in wax ka qabandoono inta uu xilka hayo
Dhinaca kale Taliyaha Qaybta Booliska Gobalka Sool Aaden maxamed cabdi,Guddoomiyaha Degmada boocame cali xayle xassan,Xoghayaha degmada boocame maxamed xasan jaamac ayaa Taliyaha ugu sheekeyay baahiyaha Booliska Degmooyinka Boocame iyo Tuko-raq ay qabaan.
Ugu Danbaytii,Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen.C/qaadir Shire Faarax (Erag) ayaa noqonaya Masuulkii ugu sareeyay oo ka tirsan Dowlada Puntland oo booqda Degmooyinka Boocame iyo Tuko-raq ee Gobalka sool tan iyo markii Marxuub C/laahi yuusuf uu wareejiyay Madaxweynaha Puntland.
Daawo Sawirro.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST