Taliyaha Booliska Puntland oo tagay degmada Boocame Ee Gobolka Sool

Taliyaha Ciidama Booliska Puntland Jen.C/qaadir Shire Faarax (Erag) ayaa Maanta Kormeeray Saldhiyada Booliska Puntland ee Degmooyinka Boocame iyo Tuko-raq ee Gobalka Sool,Halkaasi oo uu u Booliskii ka howlgalayay Tiro-koob ku sameeyay.

Taliyaha Booliska Puntland ayaa waxaa kormeerkiisa ku wehlinayay,Taliye ku xigeenkiisi kobaad bile farax cali iyo Saraakiil kale,isagoona Tirakoobida Ciidamda ka bilaabay Degmada Tuka-raq Deegaanda hoos yimaada ee Gobalka Sool.

Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen.Erag ayaa sheegay in Boolisku ay yihiin tiirka kobaad ee Dowlada,islamarkaana wuxuu heegay in uu ka Xun-yahay sida ay yihiin Saldhiyada Gobalka Sool oo u sheegay in wax ka qabandoono inta uu xilka hayo

dsc_0157-1Dhinaca kale Taliyaha Qaybta Booliska Gobalka Sool Aaden maxamed cabdi,Guddoomiyaha Degmada boocame cali xayle xassan,Xoghayaha degmada boocame maxamed xasan jaamac ayaa Taliyaha ugu sheekeyay baahiyaha Booliska Degmooyinka Boocame iyo Tuko-raq ay qabaan.

Ugu Danbaytii,Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen.C/qaadir Shire Faarax (Erag) ayaa noqonaya Masuulkii ugu sareeyay oo ka tirsan Dowlada Puntland oo booqda Degmooyinka Boocame iyo Tuko-raq ee Gobalka sool tan iyo markii Marxuub C/laahi yuusuf uu wareejiyay Madaxweynaha Puntland.

Daawo Sawirro.

dsc_0279 dsc_0263-1 dsc_0161-1 dsc_0166-2 dsc_0162-1 dsc_0157-1 dsc_0150 dsc_0149dsc_0268 dsc_0171-2 dsc_0302 dsc_0311Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST