Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Dadban ee heer Federaal ayaa ka horyimid doorashaddii shalay ka dhacday Magaalada Cadaado ee xarunta KMG Maamulka Galmudug ee Maxamed Axmed Abtidoon loogu soo doortay xildhibaan Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Somaliya.
Gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee heer Federaal Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhagey) ayaa war qoraal ku sheegay inaysan aqoonsan doonin natiijada ka soo baxday kursiga Jufada Gaafane ee Beesha Saleebaan Habargidir oo uu ku soo baxay Maxamed Axmed Abtidoon.
Gudoomiyaha ayaa qoraalkan ku sheegay in iyadoo la ilaalinayo qoondada haweenka ee boqolkiiba soddon (30%), ay tahay inay kursigaasi ku tartamaan haweenka maadaama ay beeshaasi ku harsan tahay kursiga haweenka.
Qoraalka ka soo baxay Guddiga Hirgalinta Doorashada heer Federaal ayaaa u qornaa sidatan.
PUNTLAND POST