Musharrixiinta xisbiyada Dimuqraaddiga iyo Jamhuuriga ee dalka Mareykanka, Hillary Clinton iyo Donald Trump ayaa yeeshay dooddoodii ugu dambeysay ee ka hor doorashada madaxtinnimo ee dhici doonta 8-da November.
Trump ayaa ku celiyay eedeyntiisa ahayd in nidaamka doorashada looga shubtay waxaana uu sheegay in uu arki doono sida ay wax u dhacaan.
Clinton ayaa iyana sheegtay in ay ka argagaxday in musharrax madaxtinimada Maraykanka ah uu feker noocaasi ah qabo, waxaana ay Trump ku eedeysay inuu hoos u dhigay dimuqraadiyadda Maraykanka.
Sidoo kale Trump ayaa ku ku faanay guulaha ganacsigiisa isagoo sheegey in haddii uu noqdo madaxweynaha dalkan uu dhaqaalaha kordhi doono 5-6 %.
Clinton ayaa Waxa ay ballan qaaddey in ay canshuurta ku kordhin doonto dadka dhaqaalaha leh iyo shirkadaha waaweyn si loo xaqiijiyo in ay wax ka bixiyaan qeybta lagu leeyahay.
PUNTLAND POST