Xog ku saabsan weerarkii maanta duleedka Gaalkacyo

5-8
Gaari la duqeeyay

Subaxnimadii hore Arbacada 28/09/2016 waxaa weerar ka fuliyay meel bariga uga beegan Gaalkacyo 15 KM Ciidamo ka tirsan Puntland oo kaashanaya diyaaradaha dagaalka Mareykanka , Warar madax banaan ayaa sheegaya in weerarka lagu beegsaday koox ka tirsan al-Shabaab oo isku urursadey maalmihii u danbeeyey duleedka magaalada Gaalkacyo.

Dowlada Mareykanka oo warbixin kasoo saartay weerarka ayaa sheegtay inay ku dhisay 9 ka mid ah maleeshiyada Alshabab, Islamarkaana tiro yar oo ka mid ah ciidan ka jooga Soomaaliya ay ka caawiyeen howl-galkan ciidamo Somali ah oo fuliyay, Wuxuuna weerarku ka dhacay meel u dhow  Garoonka Diyaaradaha ee Cabdullaahi Yusuf oo saldhig ciidan u ah Ciidamada PSF ee Maraykanku taageero.

Warka Galmudug

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ciidamo ay leeyihiin lagu weeraray Jeexdin, warka Galmudug ayaa ku daray in gaari kamid ah kuwooda dagaalka diyaarad dagaal ku dhufatey gantaal, waxaana ku geeriyoodey 8 askeri 4 kalena waa ku dhaawacmeen.

Wasiirka Amniga gudaha ee Galmudug ayaa isagu tirada dhimashada intaas ka badiyey waxaana uu sheegay in dhimashadu tahay 22 halka dhaawucu yahay 16.

Weerarkan ayay Galmudug ku eedeysey ciidamo ay ugu yeereen PS iyo Maraykanka oo saldhig ku leh garoonka Cabdullaahi Yusuf ee magaalada Gaalkacyo.

Sida Saxaafaddu ogaatey

Qeybaha warbaahinta oo xiriiro kala duwan la sameeyay qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka Puntland waxa ay baahiyeen in diyaarado dagaal iyo ciidanka PSF-ta weerar gaadmo ah ku qaadeen goob muddooyinkii danbe ay isku aruursanayeen Maleeshiyaad ka tirsan Alshabab .

wanted
Nuur Deeq

Maleeshiyaadka lagu bartilmaameedsaday weerarka ayaa wararku sheegayaan inuu hogaaminayay nin lagu magacaabo Nuur Deeq Cabdullahi Maxamed Diini Maalinguur oo horey loogu eedeeyay inuu ka danbeeyey weerarkii Suuqa xero Dayaxa, Kaas oo mar sii horeysay ka baxsadey hawl gal loogu magac daray DANAB oo ay si wada jir ah uga fuliyeen Koonfurta Gaalkacyo Ciidamo ka tirsan Dowlada Federalka Soomaaliya iyo Ciidanka PSFta ee Puntland u qaabilsan la dagaalanka argagixisada.

Qorshaha ciidanka uu watay Nuur Deeq ayaa lagu sheegay inuu ahaa sidii ay weerar gaadmo ah ugu soo qaadi lahaayeen xerada ciidanka PSF ku leeyihiin garoonka diyaaradaha Gaalkacyo ,kuwaas oo maalintii shalay kasoo durkay goobtii ay horey maleeshiyaadka Nuur Deeq ugu sugnaayeen , Ayna yimaadeen meel wax yar u jirta Garoonka diyaaradaha, Taasina waxa ay sababtay in amar lagu siiyo ciidamada PSF inay weerar qaadi karaan.

Wararka ayaa intaas ku daraya ka hor intii aysan weerarka qaadin Ciidanka PSF-ta in maalmo ka hor xiriiro kala sameeyeen xogta maleeshiyada la tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Alshabab oo isku aruursanayay inta u dhaxaysa Jeexdin iyo Airport-ka Gaalkacyo Madaxda maamulka Galmudug sida Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xasan Guuleed iyo Taliyaha ciidanka Galmudug ay weydiiyeen inay ka tirsan yihiin maleeshiyadani maamulkooda  iyo In kale.

Madaxweyne Guuleed iyo Taliyihiisa ciidanka ayaa warar hoose sheegayaan inay si isku mid ah ugu gudbiyeen saraakiisha hogaaminaysay howl-galkan oo Somali iyo Ajnabi isugu jiray kuwaas oo ka tirsan ciidanka PSF-ta xog ay ku xaqiijinayaan inaysan ka tirsanayn maamulkooda maleeshiyada maanta lagu weerarey duleedka Gaalkacyo.

Cabdirasaq Tahliil Calool
Cabdirasaq Tahliil Calool

Intaas ka dib saqdii dhexe ee xalay ayaa diyaarad dagaal iyo ciidamo lug ah weerar ku qaadeen saldhigii ay ku sugnaayeen maleeshiyada la tuhunsan yahay inay ka tirsan Alshabab, waxayna ka gubeen  laba gaari, Sidoo kalena ciidamada lugta ee PSF ayaa baaritaano ku sameeyay  meydadkii halkaas loogu tagay kuwaas oo uu ka mid ahaa dadka ku geeriyoodey sida Puntland Post loo sheegay  Cabdirisaaq  Xuseen Tahliil (Calool Geel) oo horey uu dil ugu xukumay maamulkii Madaxweyne Faroole kadib markii lagu qabtey Gaalkacyo isaga oo ka shaqeynaya Bom rakibid Islamarkaana uu horey u  qirtey inuu al-Shabaab yahay, laakiin xabsiga Puntland laga siidaayey xiligii Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas.

Dilka Calool Geel oo si rasmi ah loo xaqiijay, Ayaan la aqoon xaaladda Nuur Deeq maalin-guur oo ahaa bartilmaameedka, sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka Puntland

Dhimashada ka dhacdey duleedka Garoonka Gaalkacyo ayaa warar madax banana sheegayaan  inay tahay 15 Malayshiyaadka huwanta lagu sheegay, sidoo kale waxaa maxbuus ahaan looga qabtey mid kamid ah sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonaan karo.

U dhashay dalka Sudan
U dhashay dalka Sudan

Maamulka Galmudug ayaa ka horyimid hawlgalo al-Shabaab ka dhan ah oo magaalada Gaalkacyo ay kawada fulinayeen ciidamada Dawladda federaalka ah ee DANAB iyo kuwa Puntland ee PSF bishii Agoosto 2016, hawlgalkaas oo lagu soo qabtey sarkaal sare oo u dhashey dalka Suudaan, waxaana baxsadey madaxii al-Shabaab ee gobolka Mudug Nuur Deeq Maalin-guur, kaas oo la qabtey gaarigiisa, waxaana maamulka Galmudug sheegeen in Nuur Deeq yahay muwaadin reer Galmudug ah Aabihiisna la afduubtey isagana si gardaro ah lagu weeraray.

Hawlgalkaas kadib waxaa al-Shabaab ay ka fuliyeen Gaalkacyo weerarkii lagu hoobtey ee ay ku qaaden Suuqa Dayaxa 21 Agoosto kaas oo dadka ugu badan ee ku geeriyoodey ay ahaayeen Shacab, waxaana ku bur-burey suuqa oo dhawaan la dhisay.

Puntland ayaa shaacisey sawirka Nur Deeq Cabdullahi Maxamed Diini Maalinguur, oo la sheegay in uu ahaa qofka ka danbeeyey weerarkii Gaalkacyo ka dhacay.

wantedPUNTLAND POST